Carinta garaadka dadka Soomaaliyeed — Tartan ku saabsan xal u helida biyo-yaraanta

UNDP Accelerator Lab Somalia
3 min readJun 23, 2021

UNDP’s Accelerator Lab ayaa qabanaya tartan ku saabsan in lala yimaado hindiseyayaal lagu xalin karo dhibaatada biyo-yaraanta ee Soomaaliya haysata ha noqoto magaalooyinka waawayn ama dhulka miyiga ah.

Hinidiyaashu waa in ay yihiin qaar ka jawaabaya baahida sii kordhaysa ee loo qabo biyaha ee ay keentay tirada dadka ee sii badanaysa maalinba maalinta ka dambaysa, baahida loo qabo in la yareeyo istimcaalka biyaha iyo nadiifinta biyaha wasakhda ah ama kuwa bada oo laga saaro milixda si loogu badalo biyo ku haboon cabitaanka.

Tartankan waxa looga dan leeyahay in xal waara loo helo dhibaatada biyo yaraanta ee dalka ka jirta iyada oo laga faa’iidaysanayo maskaxaha dadka Soomaaliyeed si ay qayb uga noqdaan is-badal tolmoon iyo horumar wadanka ka hanaqaada.

Maxaanu ku dooranay biyaha?

Biyuhu waxay lagama maarmaan u yihiin nolsha aadamaha iyo horumarka bulshooyinka. Iyada oo ay sidaas tahay, waxa waqtigan dunida soo food saartay biyo yaraan baahsan oo ay keeneen isticmaalka faraha badan ee khayraadka biyaha, isbadalka ku dhacaya cimilada iyo korodhka tirada dadka.

Dalka Soomaaliya waxa ka jirta baahi wayn oo loo qabo biyaha. Abaarihii kala dameeyey ee dalka ka dhacay ayaa xaalada biyo yaraanta dalka sii murgiyey.

baahsan, dad aad u tiro bandanna ay ku xoolo beelaan. Waxa Iyana jirtay abaartii dhacday 2016–2017 taaso Iyana sahayatay nolosha dad badan iyo 80% xoolahii ay dadku dhaqanayeen, keentayna in dad badani ay baro kacaan.

Tartankan ay UNDP Soomaaliya soo abaabushay waxa looga dan leeyahay in la helo xala waara oo looga hortagi karo dhibaatooyinka abaaraha iyo biyo la’aanta.

Waa noocma xalka la rabaa?

Waxaa la rabaa fikrado lagu xalin karo dhibaatada biyo yaraanta ee Soomaaliya ka jirta, ha noqdaan qaar tiknoolajiyada la adeegsanayo amaba qaar aan tiknoolojiyada ku salsaysnayn. Sida:

Xalinta biyo la’aanta hayasata xoolo dhaqatada iyo beeralayda:

Waa maxay xalalka tiknoolajiyada la adeegsanayo amaba qaar aan tiknoolojiyada ku salsaysnayn ee looga hortagi karo biyo-yaraanta dhulka miyiga ah?

Xalinta biyo yaraanta ka jirta magaalooyinka:

Sidoo xal loogu heli karaa biyo yaraanta sii kordhaysa ee ka taagan magaalooyinka? ma la heli karaa xalal kala duwan oo wax ka tari kara baahida biyaha ee la socota korodhka bulshada ee ka taagan magaalooyinka Soomaaliya? Sidee loo dabooli karaa baahida biyaha ee ay qabaan dadka barakacayaasha ah?

Isbadal ku dhaca hab-dhaqanka bulshada

Side loo heli karaa is badal bulshada ku dhaca oo horseeda in bulshadu la timaado xeelado ay kula taacalayso biyo-yaraanta?

Nadiifinta biyaha wasakhda ah ama kuwa badda oo milixda laga saaro:

Waa maxay qaabka ugu haboon ee biyaha badda looga saari karo milixda si loogu isticmaalo cabitaan? Sidee loo nadiifin karaa biyaha wasaqda ah si dib loogu isticmaalo?

Xal ku saabsan biyaha dhulka hoostooda ku jira:

Side ayaynu u kobcin karnaa biyaha ku jira dhulka hoostooda?

Sidee ayuu u dhici doonaa tartanku

Talaabda 1aad: Shaqsiyaadka iyo shirkadaha danaynaya in ay ka qayb galaan tartanka waxay soo gudbin doonaan fikradahooda. Waxa marxalada labaad u gudbi doonaa 20-ka fikradood ee ugu wanaagsan. Shaqsiyaadka iyo shirkadaha soo gudbiyay 20-ka fikradood ee la doortay ayaa soo bandhigi doona fikradahooda. Kadibna 10-ka fikradood ee ugu wanaagsan ayaa u gudbi doona marxalada 3aad.

Talaabada 2aad: 10ka fikradood ee marlaxada 3aad u gudba waxay ka qayb gali doonaan kulamo ay kusii horumariyaan fikradahooda. Kulamada waxa lagu bixin doonaa duruus ku saabsan sida loo qaabeeyo fikiradaha, looo tijaabiyo iyo sida loo qiimeeyo wax-ku-oolnimada fikradaha.

Talaabada 3aad: Ka qaybalayaasha waxa la siin doonaa fursad ay ku horumariyaan fikradahooda iyaga oo adeegsanaya aqoontii ay barteen.

Talaabada 4aad: Ka qaybgalayaashu waxay fikradahooda u soo bandhigi doonaan gudiga qiimeynta.

Talaabada 5aad: Sadexda fikradood ee ugu tolmoon ayaa la gudoon siin doonaa abaalmarin lacageed oo ay u adeegsadaan hirgalinta fikradahooda

Qof walba oo haya fikrad tolmoon oo horseedi karta in xal loo helo dhibaatooyinka biyaha ee Soomaaliya haysta, tartanku wuu u furantahay. Guji halkan si aad uga qayb qaadato.

--

--

UNDP Accelerator Lab Somalia

Building the world’s largest learning network around development challenges. 60 Labs in 78 countries. http://acceleratorlabs.undp.org/