BAAQ KU SOCDA DADKA XIISEEYA SAMAYTNA MUUQAALADA IYO SHEEKOOYINKA

UNDP Accelerator Lab Somalia
3 min readAug 23, 2020

Diyaar ma u tahay in aad kobciso xirfadaada farshaxanimo ee gudbinta sheekooyinka?

Hadii ay jawaabtaadu tahay haa oo aad rabto in aad gudbiso sheekooyin wanaag u horseedda Soomaaliya, soo dalbo fursadan ay kuu wado UNDP.

Dhiirigalinta wanaagu waxay horseedaa in uu isbadal yimaado. In lagu guulaysto arrimaha ay ka midka yihiin suuq-geynta, dhaqaalo-ururinta, dalbashada maalgashiga iyo horumarinta bulshada waxa aasaas u ah gudbinta sheeko qurux badan.

Ka qayb qaado tabobar 6 usbuuc socon doona oo lagu baranayo xirfada casriga ah ee gudbinta sheekoooyinka oo ay UNDP kuusoo qabanqaabisay. Tababarkan waxa lagu baran doonaa xirfada ku aadan sida loo alifo, loo duubo, loona habeeyo muuqaalo shookooyin macne leh xambaarsan. Tababarkani waxa uu ka koobnaan doonaa casharo lagu bixinayo hab maqal iyo muuqaal ah, ugu dambayntana waxaa loo qaban doonaa kaqayb-galayaasha tartan ku saabsan gudbinta sheekooyin maqal iyo muuqaal ah.

Inta uu tababarku socdo waxa aad baran doontaa:

✔ Sida loo alifo sheeko macne xambaarsan

✔ Sida loo gudbiyo sheeko tifaftiran oo bulshada saameyn ku yeelata

✔ Sida loo duubo waraysiyada iyo muuqalada loo adgeesada isku-dhafka sheekada

✔ Sida loo habeeyo muuqaalada adiga oo adeegsanaya telphoonkaaga gacanta ama koombiyuutarka

✔ Meelaha iyo habka ugu haboon ee aad sheekadaada ku gaadhsiin karto cida aad rabto in ay maqasho iyo guud ahaan dunida.

Inta tababarku socdo waxaad samayn doontaa muuqaal, bar bilow ilaa dhamaad, kaas oo aad la wadaagi karto dunida! Intaas waxa dheer in aad heli doonto dhamaanba macluumaadka aad u baahantahay si xirfada aad baratay aad ula wadaagi karto bulshadaada oo aad adigu agaasimi karto tababaro kan la mid ah. Waxa sidoo kale aad caawimada aad u baahantahay ka soo raadsan kartaa dhalinyaro hore tababarkan oo kale uga qaybgalay oo si kooxo ah hada ugu hawl gala wadanka.

Alif sheekooyin qiimo leh. Saamayn ku yeelo bulshada. Isbadal kusoo kordhi Soomaaliya!

Waa arrin xiiso leh, sideen uga qayb qaadan karaa?

Halkan ka dalbo

Su’aalo imaan kara

Yaa ka qayb qaadan kara?

Fursadani waxay u furantahay da’yarta ay da’doodu u dhaxayso (18–30 jir) ee xiiseeya gudbinta sheekooyinka iyo saxaafada. Inkasta oo tixgalin gaar ah la siin doono dadka leh khibrada duubista muuqaalada iyo sawir-qaadista, hadana dadka aan xirfadaas lahayn ee xiiso u qaba in ay bartaan way soo codsan karaan. Hablaha ayaa aad loogu dhiirigalinayaa in ay soo codsadaan.

Maxaan la iga rabaa in aan soo qaato?

Fadlan soo qaado kamarad ama qalabka aad u isticmaasho muuqaal samaynta/sawirqaadiska/duubista codka — hadii aad wax kale waydo soo qaado telefoonka gacanta ee casriga ah.

Maxaan u baahanahay si aan usoo codsado fursdan?

Si aad u codsado, hakan ka buuxi arjiga codsiga. Codsiga waxa ka mid ah in qofku uu duubo muuqaal 1–2 daqiiqo ah oo aad ku sheegayso sababta aad fursdan usoo dalbtay.

Goorma ayuu codsigu xidhmayaa?

Codsigu wuxuu xidhamayaa 14.09.2020 hore usoo codso.

--

--

UNDP Accelerator Lab Somalia

Building the world’s largest learning network around development challenges. 60 Labs in 78 countries. http://acceleratorlabs.undp.org/